Juventus oo dooneysa Drogba

Juventus oo dooneysa Drogba
Juventus oo dooneysa Drogba

Sidda uu qoray Axadda maanta ah wargeyska Mediaset, waxaa la ogaaday in kooxda Juventus ay dooneyso weeraryahanka kooxda Turkiga Galatasaray ee Didier Drogba.

Kooxda hoggaamineysa horyaalka Talyaaniga ayaa dooneysa cayaaryahankii horre ee Chelsea Drogba, sidda uu ka soo xigtay wareegayska ilo ka tirsan Juve.

Drogba ayaa horrey uga soo cayaaray dalalka Ingiriiska iyo Shiinaha ka hor inta aanu iman waddanka Turkiga.

Juventus ayaa u aragta cayaaryahankan in uu muhiim u yahay kooxda haddii la keeno.

Si kastaba, Drogba ilaa hadda kama hadlin dalabka ka soo yeeray Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here