Naadiga Juventus ayaa bilawday in ay soo xeragaliso difaaca dambe ee kooxda Atalanta Federico Peluso.
Dhaawaca soo gaaray Giorgio Chiellini, waxa ay Juve ku qasabtay in baadi-goob u gasho cayaaryahan u badal booskaas, sidaas waxa qoray maanta oo Iskiin ah wargeyska Tuttosport.
Wargayska ayaa leh waxa ay Juve ku rabtaa Peluso illaa €4 million.
Si kastaba, kooxda uu u cayaaro Peluso ee Atalanta, waxa ay horrey u diiday €7 million markii loo soo bandhigay.