Juventus oo xaqiijisay la soo saxiixitaanka Tevez

Kooxda heesata horiyaalka Talyaaniga Serie A-da ayaa shaaca ka qaaday in ay la soo wareegtay weeraryahanka Manchester City, kaasoo loo xiray lambarka 10-aad, kaddib markii uu saxiixay seddax sanno oo heshiis ah.

Juventus ayaa xaqiijisay in ay la soo wareegtay weeraryahanka reer Argentina Carlos Tevez kaasoo ka yimid kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska.

29-sanno jirkan ayaa ugu soo wareegay Talyaaniga €12 million oo lagu daray €5.8m oo dheeraad haddii kooxda Bianconeri ay ku guuleesato kooxda horiyaalka isla markaana ay gaarto ciyaarta  Champions League semi-finals xilli ciyaareedka soo socda.

Marwada da’dada ah ayaa warkan cusub ku shaacisay bogg ay ku lee dahay Twitter, waxana ay tiri : “Carlos Tevez wuxuu ku soo biiray Juventus!  Soo dhawoow ciyaaryahanka cusub”, iyadoo soo galiyay sawirka Tevez.

Xidiggan reer Argentina ayaa goor horre wuxuu shaaciyay in uu jecleestay in uu u soo wareego Turin isagoo ka door biday kooxda AC Milan maxaa yeelay macalin Antonio Conte ayaa aad u doonayay ciyaaryahanka.

Tevez ayaa ka tagaya Man City kaddib afar sanno oo uu joogay isla markaana uu kula guuleestay horiyaalka Premier League iyo FA Cup intii uu joogay garoonka Etihad Stadium, wuxuu dhaliyay 74- goals 148 uu ka soo muuqday.

Ciyaaryahanka reer Argentine ayaa dhaliyay 11-horiyaalka Premier League xagaagii la soo dhaafay kooxda Man City , waxaana kaalinta koobaad uu la galay Manchester United.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here