Juventus oo u dabaal dagtay hanashada horyaalka Talyaaniga + Sawiro

Kooxda Juventus ayaa caawa u dabaaldagtay horyaalka dalka Talyaaniga kadib marki ay 2-0 ku qaarijisay Cagliari, halka kooxda kusoo xigtay ee AC Milan ay ku jabtay kulanki Derbiga ahaa ee ay la ciyaartay Inter.

Juve ayaa hanatay koobka iyadoo uu horyaalka ka dhimanyahay hal kulan, maxaa yeelay hadii laga badiyo xitaa lama soo qaban karo, waxaana taasi ay ku timid Inter Milan oo 4-2 ku cuntay AC Milan ciyaarti adkeyd ee ka dhacday garoonka San Siro.

Qeybti hore waxay kusoo dhamaatay 1-1, waxaana u kala dhaliyey Diego Milito iyo Zlatan Ibrahimovic, laakin marki lasoo laabtay ayey Milan heshay gool kale oo uu saxiixay Ibrahimovic.

Ciyaarta oo aad u kululeyd is qab qabsi badana uu jiray ayaa Inter mar kale waxaa usoo bareejeeyey Milito oo dhaliyey rigoore, wax yar kadibna rigoore kale ayaa lagu abaal mariyey isaga oo sidaasina ku dhaliyey sadex gool, ciyaarta oo dhamaad ah ayaa goolki afraad waxaa Inter siiyey Maicon, sidaasi ayeyna Milan ku quusatay.

Jventus, iyada bilowgi hore ayey gool heshay waxaana siiyey Mirko Vucinic daqiiqadii lixaad marki uu baas ka helay Leonardo Bonucci, goolka kale oo yimid qeybti labaad Cagliari iyada ayaa iska dhaliysay waxaana isku leexiyey ciyaaryahan Cannini.

Juventus hadi ay kulanka ugu danbeeyo badiso waxay jebineysaa rikoor ay horay Milan u sameysay oo ah in ay qaado horyaalka iyadoo aanan laga badin, waxaana haatan ay leedahay 81 dhibcood, halka Milan ay leedahay 77.

Inter ayaa guushi ay gaartay u suura gelisay in ay gashay kaalinta sadexaad.

Ciyaarihi kale ee galabta waxay kooxugu isu arkeen sidan:-

Atalanta    0 – 2    Lazio
Bologna    2 – 0    Napoli
Cagliari    0 – 2    Juventus
Inter    4 – 2    Milan
Novara    3 – 0    Cesena
Palermo    4 – 4    Chievo
Siena    0 – 2    Parma(11.30)
Udinese    2 – 0    Genoa.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.