Juventus oo shuruud adag ku xirtay Doonista Real Madrid ee Paulo Dybala

Juventus ayaa shuruud aad u adag ku xirtay dalabka Real Madrid ee la sheegay inay ku doonayso weerar yahankooda Paulo Dybala.

Real Madrid ayaa soo bandhigtay qorshe ah 77 milyan oo euro oo lagu daray Alvaro Morata si ay u hesho Paulo Dybala suuqa xaggaaga.

Balse Juventus  ayaa ka biyo diiday qorshaha la sheegay in Real Madrid ay damacsantahay, waxayna doonayaan in lacagta lagu lamaaniyo midkood Kroos ama Modric.

Warka Juventus ayaa u muuqda inaysan diyaar u ahayn iibka Paulo Dybala kaas oo sidoo kale diirada u saaran kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here