Juventus oo qaab amaah Osvaldo kula soo wareegtay

Juventus oo qaab amaah Osvaldo kula soo wareegtay
Juventus oo qaab amaah Osvaldo kula soo wareegtay

Juventus ayaa la soo wareegtay weerar yahanka Southampton ,Pablo Osvaldo.

Cayaaryahankan ayaa inta ka dhimman xilli cayaareedkan kula joogaya hoggaamiyaasha horiyaalka qaab amaah ah.

Osvaldo ayey u faran tahay in uu ku biiro koxda si kumeel gaar ah iyadoo si xor ah uga soo tagayo marka la biixyo €19 million.

Tababbarre Antonio Conte ayaa oo doonaya in uu markii seddaxaad oo isku xigga uu ku guuleesto horiyaalka Serie A-da ayaa soo dhaweeyay imaashiyaha kooxda Juve cayaaryahankii horre ee Roma.

Osvaldo ayaa ka mid ahaa cayaartoyda lafdhabarka ee kooxda Southampton, wuxuuna doonayaa in uu ka qaybgalo cayaaraha koobka adduunka isagoo matalaya xulka Talyaaniga.
28-jirkan ayaa ku biiray Southampton xilli cayaareedkii horre 2012 ilaa 2014 isagoona ka soo tagay kooxda Roma, wuxuu u dhaliyay seddax gool markii uu cayaaray 13- kulan horiyaalka Talyaaniga.

Weeraryahankan ayaa sidoo kale u soo cayaaray kooxaha Atalanta, Lecce, Fiorentina, Bologna iyo Roma, wuxuu heshiiska kooxda Southampton uu ku ekaa bisha June 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here