Juventus oo dooneyso in ay soo celiso sumcadeedii tartamada Europe

Kubad sameeyaha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa hoosta ka xariiqay in Juventus ay dooneyso ka qeybgalka koobka Champions League.

Pirlo ayaa sifeeyey habka ay u doonayaan, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay u rabaan in ay noqdaan koox mar walba ka qeybqaadato.

Juve oo lagu naaneeso Marwada Duqda ah ayaa aheyd koox laga tix geliyo tartamada Yurub ka hor inti aysan kusoo bixin fadeexadii Calciopoli, wixi markaasi ka danbeeyey waxay ka daawaneysay Juve tartamada Yurub Telafashinada.

Laakin kooxda waxay haatan kusoo dhacday wadadeedii iyada oo haatan tiigsaneyso in ay ka mid noqoto kooxaha ugu sareeyo ee sadaxda ah si ay xilli ciyaareedka soo aadan uga qeyngasho tartanka Yurub.

“Waxaan rabnaa Champions League,” laba jeer ayaan ku guuleystay koobkan aniga oo u ciyaarayey AC Milan maantana waxaan ka shaqeyneynaa sidi ay mar kale u noqon lahaa sidaasi,” ayuu yiri Pirlo oo wareysi siiyey Hurra Juventus.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.