Juventus oo beenisay inay xiriir la sameesay Drogba

Maamulaha kooxda Talyaaniga Juventus Beppe Marotta ayaa beeniyay inuu xiriir la sameeyay cayaaryahankii hore ee kooxda Chelsea Didier Drogba si loo keeno kooxda Turino.

Marotta ayaa sheegay in hadda aysan jirin baahin kooxda ku kalifeysay in ay la soo wareegto weerrar yahyanka kooxda Shiinaha Shanghai Shenhua.

Isagoo la hadlaayay  Sky Sport Italia ayuu yiri “Drogba wax xiriir ah lama sameen oo ku aadan in aan la soo wareegno, lama heli doono cayaaryahanka maxaa yeelay waxa soo dhow cayaaraha koobka African Cup of Nations.

“Ma aqaano sida dadka ay arrintaas u qaadan karaan, in kastoo kooxda uu ka tagay dhawaan Lucio sidoo kale Giorgio Chiellini waa dhaawac waa loo baahan yahay cayaaryahan difaac dhexe oo door ka qaata baahida taalla.” Ayuu yiri mar kale.

“Waxan u baahanahay cayaartoy booska bannaan buuxiya, laakin waa in ay ahaadaan kuwa aad u wanaagsan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here