Juventus oo 3/0 ku garaacday difaacayaasha koobkan ee Chelsea(Sawiro)

Kooxda marwada duqda ah ee Juventus, ayaa gurigeeda “Juventus Stadium” ee magaalada Torino guul weyn waxay kaga gaartay kooxda Chelsea oo ah kooxda difaacaneeysa koobkan hada loo tartamayo ee EUVA CHAMPION LEAGUE, Juventus ayaa xalay ku adkaatay 3/0.

Guushaan ay Bianconeri xalay gaartay ayaa biyo qaboow kusii shubtay rajada Chelsea ee ahayd ineey usoo baxdo wareega labaad ee tartankaan iyadoona sanadkii lasoo dhaafay ku guuleystay koobkan.

Juventus ayaa goolasha 3-da ah waxay kaga mahad celineeysaa laacibiinteeda kala ah (Quagliarella, Arturo Vidal, iyo laacibka gaaban ee Giavinco).

Guuldaradaan Chelsea xalay kusoo gaartay Talyaaniga ayaa noqoneeysa guuldaradii labaad oo laba sanoo isku xigta kasoo gaarta, sanadkii hore ayay ahayd markii ay Napoli 3/1 kusoo garaacday wareega 16-ka isla koobkan waxaana markaas macalin u ahaa macalinka hada Tottenham hogamiya ee AVB kaasoo shaqadiisa ku waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here