Juventus hala soo wareegto Nani, sidaas waxaa yiri Lombardo

Attilio Lombardo ayaa sheegay in kooxda Juventus looga baaghan yahay in ay la soo wareegto xidigga garabka ka ciyaara Manchester United Nani.

Xidigga reer Portugal ayaa la sheegay in ay aad u baadigobeyso kooxda horiyaalka Juventus.

Heshiiska ciyaaryahanka ayaa ku eg sannadka 2014-ka.Lombardo ayaa ku booriyay kooxda in ay la soo wareegto 26-jirka.220011_heroa

“Nani wuxuu ku fiicnaan lahaa Juventus. waa ciyaaryahan u qalma in uu ku soo biiro kooxda,” Ciyaaryahankii hore ee garabka ugu ciyaari jiray Bianconeri ayaa u sheegay Tuttosport.

“Juventus ma heesato ciyaaryahan la mid ah Nani.”ayuu markale sheegay

Nani ayaa ku biiray Man-United isagoo ka soo tagay kooxda Sporting CP sannadkii 2007, wixii tan iyo xilligaas uu u saftay in ka badan 200 oo ciyaar oo ka soo muuqday horiyaalka English-ka, Wuxuu tan iyo xilligaas uu kula guuleestay afar horiyaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here