Juventus 2-0 Inter


Geesinimadi qeybti hore ee goolhaye Gigi Buffon iyo goolashi gelinki labaad ee Martin Caceres iyo Alessandro Del Piero ayey Juventus xalay kaga guuleysatay kooxda Inter Milan oo ay ku garaacday 2-0.

Qeybti hore ee ciyaarta ma jirin wax goolal ah oo ay labada dhinac iska dhaliyeen, hase yeeshee Inter ayaa iska qasaarisay fursado badan kadib marki uu goolhaye Buffon oo ka badbaadiyey isku dayo ciyaaryahanada Douglas Maicon, Milito iyo Joel Obi.

Kulanka Juve iyo Inter oo lagu naaneeso Derby d’Italia ayaa mar walba ku dhamaada xafiiltan iyo dar dar waxaana labada dhinac ay cadawtinimo culus isu qaadeen wixi ka danbeeyey fadeexadi Calciopoli ee sanadki 2006.

Taageerayaasha kooxda Juventus waxay xalay kusoo xardheen garoonka quruxda badan ee kooxdooda boorar ay ku qornaayeen ma aqoonsanin labadi horyaal ee nalaga xayuubiyey ee waxaan nahay koox ku guuleysatay 29 hoyaal.

Xiriirka kubada cakta Talyaaniga ayaa ka xayuuubiyey laba horyaal ee ay Juventus ku guuleysatay sanadihi 2006 iyo 2005, waxaana lagu abaal mariyey kooxda Inter Milan.

Inter waxaa xalay ka maqnaa xidigaheeda kala ah Wesley Sneijder iyo Ricky Alvarez, halka kooxda Marwada Duqda ah iyana ay seegeen laacibiinta Emanuele Giaccherini iyo Stephan Lichtsteiner oo ganaax ku maqnaa.

Qeybti labaad ee ciyaarta ayey Juventus sameysay is badal iyada oo keentay Alessandro Del Piero iyo Leonardo Bonucci oo lagu badalay Matri iyo Pepe, intaasi kadibna waxa yimid goolki koowaad oo uu dhaliyey Martin Caceres kadib marki uu shuut ku tuuray Julio Cesar.

Goolka labaadna waxa ku fara yareestay Del Piero oo baas ay isu dhii dhiibeen Arturo Vidal la dhex maray sadex daafac kadibna shabaqa cuksiyey, waxaana uu ahaa goolkiisi ugu horeeyey ee uu xilli ciyaareedkan ka dhaliyo horyaalka Seria Ad-da, sidoo kale wuxuu ahaa goolkiisii 186-aad.

Juventus waxay haatan usoo dhawaatay kooxda AC Milan oo ay usoo jirsatay afar dhibcood oo qura.