Jurus oo sababtaan darteed u baajiyay tartankii uu shalay la geli lahaa Cosoble

tuugiDoorashada Kursiga Beesha Warsangeli ayaa aheyd kursiga labaad ee lagu tartami lahaa shalay, balse waxaa uu dib uga dhacay, markii ergooyinkii la diiwaan geliyay qaarkood soo xaadiri waayeen.

Tartanka Kursigan ayaa ahaa midka ugu adag waxaana ku loolamaya C/qaadir Cosoble Cali oo difaacanaya Xildhibaannimadiisa iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus.

Labada nin ayaa maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay loolan aad u adag, waxaana dhaqaale badan ku bixiyeen ergooyinka dooranaya ee 51-ka xubnood.

Maxaa baajiyay Doorashada Kurisgan?

Xogta Midnimo.com ay heshay ayaa sheegeysa in musharax Muxyadiin Jurus Ergadii taageersaneyd uu baajiyay ayna kasoo xaadiri waayeen xaruunta doorashada, kadib markii uu arkay in laga tiro badanyahay lagana guuleeysanayo hadii ay doorashada ka qeyb galaan.

Arintaan ayaa keentay in Guddiga doorashada dib u dhigaan doorashada Kursiga, oo looga baahanyahay in ugu yaraan ay soo xaadiraan ilaa 40 Ergo waana tan keentay in la baajiyo tartanka loo geli lahaa Kursigaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here