Juba express & worldRemit oo daahfuray addeegga bixinta lacagaha caalamiga ah ee Soomaaliya

3 September 2020: Shirkadda Jubba Express, oo ka mid ah xawaaladdaha sida xawliga ah u koraya iyo WorldRemit, oo ah shirkadda hogaaminaysa bixinta lacagaha adduunka ayaa isku xirmaya si ay soomaalidda u siiyaan fursad ay ku helaan lacagaha ay u soo direen qoyskoogga iyo asxaabtoodda ku kala nool in ka badan 40 Wadan oo adduunka ah oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Austraaliya, New Zealand, Kanadda iyo Yurub.
Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, qiyaastii $ 1.4 bilyan lacag xawaaladdeed ah ayaa loo soo diraa Soomaaliya sanadkii oo ay u soo direen qiyaastii labada milyan oo ku nool qurbaha. Xawilaadda lacagaha oo ka ah 24% waxsoosaarka guud ee wadanka waxa ay kaalin muhiim ah kaga jirtaa horumarka iyo nolasha dad badan oo soomaali ah si ay helaan cunno, hoy, waxbarasho, addeeg caafimaad iyo sii waditaanka ganacsiyadooda yar yar.
“Waxaan ku faraxsanahay in aanu awoodno siinta fursadan qaaliga ah Soomaalida. Wadashaqaynta shirkaddaha Juba Express iyo WorldRemit awgeed waxa aanu xoojinaynaa in macaamiisha oo dhami ay heli doonaan addeeg xawaaladeed oo aamin ah, degdegsiimo iyo waayo-aragnimo qiimo la tartami kara suuqa.” Sidaa waxa yidhi Cali Rashid, Maamulaha Horumarinta Ganacsiga, Shikadda Juba Express.
“Soomaaliddu waxa ay si fudud lacag ugu diri karaan waddankii iyaga oo og in ay caawinayaan qoyskoogga iyo asxaabtooda si ay ugu abuuran fursado cusub oo muhiim u ahaa xubin kastoo qoyska ka mid ah. Sidaa waxaa yidhi Axmed Tani, Agaasimaha Wadanka ee Shirkadda WorldRemit. Intaa waxaa dheer, xidhiidhkani waxa uu dardargelin doonaa koboca dhijitaalka ah ee xawaaladdaha.”
Habka lacag bixinta ee WorldRemit wuxuu u oggolaanayaa macaamiisha in ay lacag u diraan Soomaaliya si Dhigital ah 24/7 markay doonaan si degdeg ah oo amaan ah iyaga isticmaalaya barnaamijka telephoonka ee WorldRemit ama barta internetka ee ah www.worldremit.com.

Qaataha lacagtu uma baahna in uu haysto telefoon-ka casri-ga ah waxaanu si sahlan uga qaadanayaan lacagta xarumaha iyo laamaha xawaaladda Juba Express ee guud ahaan Soomaaliya.
WorldRemit waxay kula talineysaa macaamiisheedii hore in ay dib ula soo degaan barnaamij-ka telefoonka noociisii ugu dambeeyay ee google play ama app store-ka. Marka ay cusbooneysiistaan barnaamij-ka, Macaamiishu waxa ay dooran karaan sidii ay lacag ugu diri lahaayeen Soomaliya iyaga oo ka dhex dooranaya waddamada lacagta loo diro, ka dibna galinaya xadiga lacagta ay dirayaan iyo faahfaahinta qaataha si ay u dhamaystiraan dhaqdhaqaaqa
Macaamiisha ku sugan Soomaaliya iyada oo loo soo marinayo WorldRemit waxay lacagta ka heli karaan qoyskoogga iyo asxaabtooda ku nool in ka badan 40 ka waddan oo aduunka ah. Booqo mareegta WorldRemit si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sidii lacag loogu diri lahaa soomaaliya ama la soo deg barmaamijka aaladda telefoonka ee IOS ama Android.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here