Jowhar: Xildhibaanada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe oo maanta lasoo bandhigayo

jowharKadib markii Axadii la soo dhaafay uu shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan dib uga bilowday Jowhar, ayaa Waxaa lagu wadaa in maanta la shaaciyo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hiiran iyo Sh/dhexe,

Yaxye Cali Ibraahim, Xoghayaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya  ayaa sheegay saaka oo Talaado ah laga sugayo oday dhaqameedyada labada gobol inay u soo gudbiyaan qaabkii ay u qeybsadeen xildhibaanada baarlamaanka oo ka koobnaan doono 71 xubnood.

Shir lagu qabtay mid ka mid ah hotelada magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeybgalay wakiilo ka socday urur goboleedka IGAD,wasaarada Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah duubabka dhaqanka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Shirkan oo albaabada u laabnaa ayaa waxaa kadib saxaafada la hadlay Xoghayaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayuu ku sheegay in shirka wajigiisii labaad uu furmay uuna rajo ka qabo in shirka muddo toddobaad ah lagu soo gabagabeeyo.

 

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa cadeeyay in aysan raali ka ahayn shirka maamul u sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe halka uusan maamulka Sh/dhexe uusan weli cadeyn mowqifkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here