Jowhar: Xildh. Cabduqaadir Cosoble oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxweyne

bbWafdi uu hogaaminayo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa maanta soo gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Sh/dhexe ,

Wafdigaan oo socod lugta ah ka soo bilaabay afka hore ee laga soo galo Magaalada Jowhar waxaana aad u soo dhoweyay Mas,uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabelaha dhexe & qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar iyadoo ay ku wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaloiya kana soo jeeda Gobolka Shabelaha dhexe.

Intaasi ka dib ayaa waxaa Wafdigaan uu Hogaaminayay Xildhibaan Cosoble waxaa ay kulamo la qateen qeybaha Bulshada & Maamulka waxaana Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali uu Ujeedka Socodaalkiisa ku tilmaamay in ay tahay sidii ay u ogaanlahayeen qasaaraha fataahada & guud ahaan Xaalada Magaalada Jowhar.

hnj

Dhamaan Odayaasha dhaqanka Magaalada Jowhar ayaa aad u soo dhoweyay wafdigan u hogaaminayo Xiuldhibaan C/qaadir Cosoble waxaana ay ku tilmaameen Xildhibaan aad ugu damqada Shacabka uu Mas,uulka ka yahay.

Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa hadalo soo dhoweyn ah ka dib Xildhibaanka oo ay ku wehliyaan Xildhibaaan Qaasin Furduf & xubnoi kale tilmaamay in shacabka shabelaha dhexe yihiin kuwa isku duuban oo iskaashi ka leh dhinacyo badan.

bnv

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo gebo gabadii hadalo soo jeediyay ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay imaatinka Magaalada Jowhar & Ogaashiyaha Xaalada Gobolka isagoo dhaliilay hanaanka lagu doonayo in lagu dhiso Maamul ay ku mideysan yihiin Gobolada Hiiraan & Shabelaha Dhexe kaasi oo waqtigii loogu talo galay Dowlada aysan dhisin.

Ugu Danbeyntii Xildhibaan C/Qaadir Cosoble ayaa shaaciyay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Doorashada la filayo in dhowaan lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hogaaminayo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa caawa kulamo la leh Qeybaha Bulshada & Maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here