Jowhar: Xaflada dhaarinta Madaxweynaha HirShabelle oo socota

jowhar4Waxaa goor dhow magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ka bilaabatay xafladda Caleemo saarka madaxweynaha maamulka Cusub ee Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galaya madaxda dalka, oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud, xildhibaano katirsan Baarlamaanka, iyo sidoo kale wasiiro kamid ah xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xafladda ka qeyb galaya oo halkaasi gaaray wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo xubno kale oo ka socda caalamka.

Waxaa kaloo goob joog u ah xafladda madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo K/Galbeed C/kariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheakh Aadan.

Waxaad si toos ah uga daawan kartaa xafladda Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed SNTV, adigoo sidoo kale ka dhageysan kara Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here