Jowhar: Tartar kubadda cagta oo soo gaaray heerkii ugu dambeeyay

imagesMagaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe waxaa maalmahan ka socday tartan kubadda cagta oo ay ka qaybgalayaan ilaa 18-koox kuwaasoo ka dhisan xaafadaha magaalada Jowhar.

Tartanka oo ka socday labo garoon oo ku yaalla Jowhar ayaa hadda soo gaaray cayaartii ugu dambeesay waxaana isku soo haray kooxaha Farjano iyo Nasiib.

Labadan koox ayaa nasiib u helay in ay ka soo baxaan 18-koox oo ka dhexeeyay tartanka kubadda cagta magaalada Jowhar.

Maamulka cayaaraha ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhawaan la iclaamin doono xilliga la qaban doono cayaarta Fiinaalka oo u dhexeysa kooxaha Nasiib iyo Farjano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here