Jowhar oo xaley bandow ahayd

jowhar-330x219Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xaley lagu soo rogay bandow

Magaalada ayaa habeenkii xaley lagu arkayay ciidamo koox-koox u socda kuwaasoo dhex socdeen gudaha degmada Jowhar, isla markaana ay dadka ku amrayeen inay guryahooda galaan.

Goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa albaabbada loo laabay wixii ka dambeeyay salaaddii cishaha kaddib ee xaley sidda ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Bandowga ayaa la sheegay inuu yimid kaddib markii dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ay magaalada ka dhaceen qaraxyo bambaano, kuwaas oo khasaarooyin dhaliyay.

Maamulka gobolka iyo saraakiisha ammaanka ayaan wali ka hadlin bandowga xaley lagu soo rogay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Xaallada magaalada ayaa saakay caadi ah, waxaana shaqeenay gaadidka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga ee magaalada, waxaana dadka ay isla dhex marayaan bandowga xaley lagu soo rogay magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here