Jowhar oo noqoneysa Caasimadda maamul Goboleedka Hiiraan & Shabeelaha Dhexe

jowhar8War goordhow naga soo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in Ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay cod u qaadeen halka ay noqoneyso xarunta maamul goboleedka labada gobol ayaa u codeeyay in magaalo madaxda ay noqoto Jowhar.

Qodobka 4aad ee cutubka 1aad ee qabya qoraalka dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH, waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda.

Inta badan ergooyinka ka qeyb galayay shirka ayaa waxay u codeeyeen in Caasimada maamulka ay noqoto magaalada Jowhar,

Hase yeeshee intii aanu shirkan furmin dhamaadkii sanadkii hore ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ku sheegay in magaalada madaxda labada gobol ay tahay Buulo Burte, halka madasha shirkana laga dhigay magaalada Jowhar.

Lama oga sida ay u dhaqan galayso in ergo ay bedelaan wareegto madaxweyne, hase ahaatee waxaa arrintan wax ka bedeli doontaa qaabkii awood qeybsiga maamulka oo markii hore la filayay in Madaxweynaha la dooran doono uu ka yimaado Hiiraan.

Madaxweynaha la dooran doono ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa lagu wadaa inuu ka yimaado Gobolka Hiiraan, maadaama Shabeellaha Dhexe ay qaateen Caasimada maamulka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here