Jowhar: Odoyaasha dhaqanka oo isku mar la’ qeybsiga Xildhibaanada+Dhagayso

shirka jowhar
Shirka magaalada Jowhar uga socdo odayaasha dhaqanka iyo duubabka qaar ka mid ah beelaha dega Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa la isku mari la’yahay qeybsiga xildhibaanada uu yeelan doono maamul goboleedka la rabo in loo dhiso Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wazaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo agaasimeysa shirka ayaa u sheegtay odayaasha dhaqanka beelaha dega labada gobol in ay qeybsadaan 71 xildhibaan, taasoo ay duubabka dhaqanka u arkaan qoondo yar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here