Jowhar: Muuse Suudi & Prof. Cismaan Dufle oo loo doortay Aqalka Sare HirShabeelle

Doorashada senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka ka bilaabatay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele.

8 kursi oo ka mida Aqalka Sare oo qoonde ahaan u soo gaaray dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa waxaa u tartamayay ilaa in ka yar 20 musharax, kadib markii ay dhowr musharax ka baxeen tartanka.

Cusmaan Axmed Macow ayaa noqday Xildhibaankii u horeeyay ee Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirshabeelle, isagoo helay 73 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdinuur Ibraahim Farey uu helay 24 cod, halka hal cod uu xumaaday.

 

dr-dufleSidoo kale Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah siyaasi iyo Aqoonyahan ayaa isna ku guuleystay kursiga labaad ee Aqalka sare Maamul goboleedka Hirshabeelle, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar.

Prof. Dufle ayaa helay 85 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Jaamac Xuseen Xaashi uu helay 12 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

muse-sudiDhinaca kale Xaaji Muuse Suudi Yaxalow ayaa ku guuleystay doorashada xubnaha Aqalka sare u matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay aqlabiyadii ugu badneyd ee Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay kursiga 3aad ee Aqalka sare, isagoohelay 91-cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Xasan Cali Caadle uu helay 4 cod kaliya.

Xaajiga ayaa afartii sano ee la soo dhaafay ka maqnaa Masraxa siyaasada, waxaana ka mid noqoshada xubnaha Aqalka sare ay tahay mid la wada sugayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here