Jowhar: Muran ka taagan Kuraasta aqalka Hoose mid kamid ah Beelaha..

Waxaa uu muran xoogan ka taaganyahay mid kamid ah Kuraasta aqalka Hoose Beesha Abgaal oo aan wali la dooran.

cxteq9lusaamqmt

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa dhawaan tegay magaalada Jowhar wuxuuna shir la yeeshay madaxda HirShabelle Guddiga Doorashada iyo Haweenka.

Qoraal kasoo baxay QM oo la gaarsiiyay Imaamka Beesha Abgaal iyo Odoyaasha dhaqanka Beesha Harti Abgaal , waxaana qoraalkaas looga dalbaday in labada Kursi ee Beeshaas u harsan laga doonayo midkood loo qoondeeyo Haweenka oo ay ku loolamaan iyaga kaliya.

Keating iyo Cosoble

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxtooyada ay culeys ku saareyso Guddiga doorashada in mid ka mid ah labada kursi ee Beelaha Harti Abgaal ay haween hesho.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuula Sheekh Axmed Gabale ayaa ka wada Jowhar olole xooggan oo ku aadan sidii labada kursi ee haray Beelaha Harti Abgal midkood haween ugu soo bixi lahaayeen.

Qorshahan ayaa ujeedka laga leeyahay uu yahay sidii xubnaha u tartamaya labadaas kursi oo hore xildhibaano u ahaa aanay u soo laaban laheyn, kuwaasoo aan aheyn taageerayaasha Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa uu muran ayaa ka jiraa kursiga Beesha Daa’uud, cida ku tartameysa, waxaana laga yaabaa in kursiga doorashadiisa dib loo dhigo inta xal laga gaarayo.

Beesha Yuusuf Daa’uud ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay inay iyada kursigan hesho, maadaama Beesha Isaaq Daa’uud ay xubin ka heshay Aqalka Sare, sidaas darteed ay muhiim tahay in liiska musharaxiinta laga saaro beesha Isaaq Daa’uud, si aanay labo kursi ugu helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here