Jowhar: Khadiija Diiriye & Xasan Qoono oo kusoo baxay doorashada aqalka Hoose

untitled-20Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono ayaa ku soo baxay doorashada Aqalka hoose ee baarlmaanka Soomaaliya ee ka bilowday Jowhar.

Kursigii koowaad waxaa dib u hanatay Khadiijo Maxamed Diiriye kadib markii musharaxiii la tartamayay uu sheegay inuu ka tanaasulay tartanka, taasoo keentay in ergadii 51-ka xubnood ay gacantaag codka ku siiyaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo muddo 12 sano kursigaas heysata.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono ayaa iska dib u helay kursigii uu hore xildhibaanka ugu ahaa, kadib markii ergada ay u dooratay kursiga Beesha Cabdalle ee Xawaadle.

Farsamo ah in musharixiinta waaweyn ay keensadeen qofka la tartamaya, kana bixiyaan kharashka, kadibna doorashada ka tanaasulo ahaa ah mid cusub oo ka mid noqotay Doorashada 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here