Jowhar: Guddiga Doorashada oo maanta go’aan ka gaaraya Wasiirka Dhalinyarada

cosobleWararka saakay naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle maanta go’aan kasoo saari doonaan buuqii iyo shaqaaqadii xalay ka dhalatay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Jidle ee Gugundhabe.

Warar Hoose ayaa sheegaya, inay u badan tahay in Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga laga saaro tartanka doorashada, kaddib markii uu rabshad ka dhaliyay goobtii ay ka socotay doorashada.

Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa dib u dhigi doona doorashada kursigan aqalka Hoose, inta laga gaarayo xal, waxaana ay u magacaabi doonaan Guddi.

Ilaalada Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inay rasaasta bilaabeen, markii laga kala dareeray xarunta doorashada, isla markaana ergooyinka ay ka sii baxayeen hoolka doorashada.

Guddiga doorashada ayaa markii korontada la damiyay, buuqana sii xoogeystay joojiyay doorashada, iyagoo amray in maanta la isugu yimaado doorasho kale, balse markii go’aankaas ka soo baxay ayaa waxaa dhacay is rasaaseyn dhex martay Ilaalada Wasiirka iyo ilaaladii Musharaxa kale.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa saaka ah mid degan, waxaana iska hor imaadkii ka dhacay afaafka hore ee xarunta doorashada ku dhaawacmay illaa afar ruux, ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa la filayaa in maanta la geeyo xarunata ay ka dhaceyso doorashada, si ammaanka u xaqiijiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here