Jowhar: Goodax Barre oo ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee..

goodaxDoorasho adag oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa Kursiga Beesha Xawaadke/Agoon kusoo baxay Cabdullaahi Goodax Barre.

Kursigaan ayaa waxaa ku loolamayay Musharixiinta kala ah Goodax Barre,Maxamed Cabdullaahi Garguurte iyo Mukhtaar Xuseen Afrax.

Doorashadan oo ahaa mid ay hareysay khilaaf iyo muran ka dhashay ergooyinka, iyadoo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble uu taageerayay Musharax C/llaahi Goodax Barre, taasoo keentay in Guddiga iyo Madaxweynaha iska hor-yimaadaan.

Doorashadan ayaa waxa ku tartamay afar musharax oo kala ahaa C/hi Goodax Barre,Bile Xasan,General Muqtaar Xuseen Afrax iyo Maxamed Cabdulaahi Garguurta. Waxana wareegii hore ku haray General Muqtaar iyo Maxmed Garguurte,

C/llaahi Goodax Barre ayaa wareeg labaad ku soo baxay, kaddib doorasho adag oo aad la isugu dhowaa wareegii koowaad. Waxana uu ku guleystey codad gaaraya 32 cod halka Bile Xasan oo la tartamayay uu ka helay 18 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Dabaal dega guusha C/llaahi Goodax Barre ayaa ka bilaabatay magaalada Beledweyn, iyadoo rasaas cirka loo ridayo, Sidoo kale waxaa rasaas u muuqatay dabaaldeg ay rideen ciidamo ku sugnaa afaafka hore ee xarunta doorashada ka dhacaysay ee magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here