Jowhar: Gaari Dabdamis ah oo loogu deeqay maamulka Sh. Dhexe+Sawiro

xaflad-dabdamis-5Jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee dalalka Yurub iyo America ayaa soo gaarsiiyay magaalada Jowhar gaari damdamis ah kaasi oo ay ugu deeqeen shacabka gobolka Sh/dhexe inay ugaga hortagaan dabka.

Marwo Kifaayo Xasan Nuur oo wakiil ka ahayd jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee qaarada Yurub iyo America ayaa sheegtay in ay jaaliyada gobolka ay diyaar u tahay inay ka qeybqaataan horumarka gobolka ayna noqon doonin markii ugu dambeysay ee ay ka qeybqaataan horumarka gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Mudane C/dir Cabdule Buurfuule oo ku hadlayay magaca maamulka degmada Jowhar ayaa u mahadceliyay jaaliyada gobolka ee qaarada Yurub iyo America dabdamiskan ay soo gaarsiiyeen.

“Dabdamiskan waa aalad ku haboon sidii dabka lagu damin lahaa balse waxaan idinka rajeynaynaa in jaaliyada ay ka qeybqaadato horumarinta beeraha iyo kahortagga fatahaada wabiga Shabelle.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar C/qadir Buurfuule.

xaflad-dabdamis-1 xaflad-dabdamis-5 xaflad-dabdamis-6

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here