Jowhar: Faah-Faahinta Sarkaalkii xalay lagu dilay Jowhar

Dil
Dil

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilkii Taliyihii Nabadsugida Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed, kaasoo nin ka mid ahaa Ilaaladiisa uu dilay.

Dilka sarkaalkan oo u muuqday mid qorsheysan oo si aad ah loosoo agaasimay, ayaa dhacay xiligii afurka, waxaana baxsaday askarigii dilka fuliyay.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la sheegay in askarigii diley uu baxsaday la baadigoobayo, halka wararka qaarna ay sheegayaan in la qabtay ninkii ka dambeeyay dilka taliyaha.

Ciidamada Ammaanka Jowhar ayaa illaa 15 askari u xiray dilka Taliyaha, kuwaasoo looga shaki qabo inay wax ka og yihiin, waxaana la sheegay in ka hor inta aan la dilay la damiyay Nalka guriga, kadibna la maqlay rasaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka ka dambeeyay uu horay uga soo goostay Al-Shabaab, isla markaana muddo ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ee degmada Jowhar ku sugan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay howl gal gaar ah ku dishay Taliyaha Nabadsugida Sh/Dhexe, isla markaana ciidamo ka tirsanaa ay Taliyaha ku dileen Jowhar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here