Jowhar: Dastuurka uu yeelanayo maamulka Hiiraan & Shabeelaha Dh. oo la ansixiyay

jowhar8War goordhow naga soo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegaya inErgooyinka ka qeyb galaya shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay meel mariyeen dastuurka uu yeelanayo maamulka loo sameynayo labada gobol.

Qaar kamid ah ergada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ergooyinka ay ansixiyeen dastuurka maamulkaasi oo maalmahaan ka doodistiisa ka socotay hoolka shirarka ee magaalada Jowhar.

202 ergo ayaa ka qeyb gashay u codeynta dastuurka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ansixiyay dastuurka 186 ergo oo shirka ka qeyb gashay, halka 10 ergo la sheegay iney diideen ansixinta dastuurka maamulkaasi, lixna wey ka aamustay.

Shirkaan ka socdo magaalada Jowhar ayaa shalay lagu shaaciyay in caasimada maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay tahay magaalada Jowhar, walow wasaarada arimaha gudaha aysan si cad arintaan kaga jawaabin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here