Jowhar: Codka Xildhibaanka dooranaya Madaxweynaha HirShabelle oo gaaray $8,000

jowhar4Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Jowhar oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Maamulka HirShabelle iyo ku xigenkiisa, ayaa sheegaya maanta gelinka dambe ay dhici doonto doorashada.

Waxaa ka soconaya magaalada Jowhar olole ballaaran oo ay ku jiraan musharixiintan iyadoo dadka u ololeynaya ay saaka kulamo la leeyihiin xildhibaanada baarlmaanka si ay u doortaan musharaxooda. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan lacago faro badan oo la keenay magaalada taasoo xildhibaanadana ay doonayaan inay ka faa’ideystaan maadaama aysan jirin haatan cid kale oo siineysa dhaqaale.

Mid kamid ah Xildhibaanada HirShabelle oo diiday in magaciisa saxaafada loo adeegsado, ayaa sheegay in uu joogay magaalada Jowhar 8 bilood oo intaas qarash ku baxayay dowladana aysan siin hal dollar balse uu ka faa’ideysanayo ololahan doorashada si uu isaga bixiyo dhaqaalaha lagu leeyahay.

Sidoo kale Xildhibaankan wuxuu sheegay in codka halkii Xildhibaan lagu kala iibsanayo lacag gaareysa ilaa $8,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here