Jowhar: 3 kamid ah Kuraasta aqalka Hoose oo maanta la doortay

kkkMagaalada Jowhar ee xaruunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta lagu doortay 3 kamid ah Kuraasta aqalka Hoose ee maamulka HirShabelle uga mid noqonaya Baarlamanka.

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen (Boodaaye) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ayaa looga adkaaday doorashadii aqalka Hoose Kursiga Beesha Xawaadle/Cabdi Yuusuf oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar.
Doorashadan oo aheyd mid adkeyd ayaa waxaa ku tartamayay saddex Musharax oo kala ahaa Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo kursigan difaacanayay, C/risaaq Axmed Maxamed (C/risaaq Dheere oo ah Ganacsade laga yaqaan Nairobi iyo Maxamed Aadan Geeddi.

Wareegii koowaad ee doorashada ayaa saddexda xildhibaan waxay kala heleen, C/risaaq Dheere oo helay 23 cod, Cali Nuur Boodaaye oo helay 22 cod iyo Maxamed Aadan Geeddi oo helay 6 cod.

Intaas kaddib ayaa waxaa wareeg labaad la isla aaday, iyadoo ay u soo gudbeen labada musharax ee ugu codka badnaa, waxaana wareegii labaad ku guuleystay Ganacsade C/risaaq Axmed Maxamed (C/risaaq Dheere) oo helay 28 cod, halka Cali Nuur Boodaaye uu helay 23 cod.

Dhinaca kale waxaa kaloo isla maanta la doortay labo kursi oo kale oo mid ka mid ah ay ku tartamayeen haween, waxaana ay kala ahaayeen Zamzam Ibraahim Xyseen iyo Maryan Axmed Haaruun, waxaana 38 cod ku guuleystay Maryan Axmed Haaruun, halka Zamzam Ibraahim Xuseen ay heshay 18 cod.

Sidoo kale waxaa kursiga kale ee Aqalka Hoose ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Axmed oo helay 38 cod, halka Cali Xasan Cusmaan uu helay 9 cod, waxaana kursigan u codeynayay 47 ergo kaliya oo ahaa ergada dooraneysay Kursiga labaad ee Beesha Udeejeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here