Jose oo Barcelona ku yiri Qaata Herrera ee iska keena Alba

Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu Barcelona u sheegay in Ander Herrera ay heli karaan oo kaliya hadii ay dhankooda ogolaadaan ineey ku wareejiyaan Jordi Alba.

Herrera oo 27 jir ayaa sanad cajiib ah xagaagaan dhamaaday ku qaatay Manchester United, waxaana uu bartilmaameed xoogan u yahay Tababaraha cusub ee Camp Nou VALVERDE.

Valvarde iyo Herrera ayaa kasoo wada shaqeeyay Athletic Bilbao, waxaana tababaraha 53 sano jirka ah uu doonayaa ineey markale dib u midoobaan.

Mourinho ayaa horay Barcelona ugu sheegay inuusan Iib ahayn, balse sida uu maanta daabacay wargeyska Don Balon ee Spain kasoo baxa in Mourinho uu diyaar u yahay Barcelona ay la wareegto Herrera hadii ay soo dhiibaan daafaca dambeedka bidix ka xamaasha ee Jordi Alba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here