Jose Mourinho oo si la yaab leh ugu dhaqaaqaya saxiixa Aguero

Qaar kamid ah wargeysyada Britain ayaa saakay daabacay in macalinka Manchester United uu si aad ah u doonayo saxiixa weeraryahanka u ciyaara kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City Sergio Aguero.

Xidiga heerka Caalami ayaa sanado badan kamid ah weeraryahanada ugu halista badan Horyaalka Premier League, balse sidii uu kooxda ugu soo biiray Jesus mustaqbalkiisa ayaa ahaa mid aan hubneen.

Guardiola ayaa u arka Gabriel Jesus mid ka wanaagsan Aguero, waxaana uu marar badan kursiga keydka dhigay xidiga reer Argentine.

Sidaas darted Mourinho ayaa doonaya inuu ka faa’iideysto xaalada Aguero ku haysata Etihad Stadium, wuxuuna doonayaa in xagaagan uu lasoo saxiixdo.

Jose Mourinho ayaa ku qasbanaan doona inuu City miiska u saaro aduun dhan £55million, hadii uu doonayo saxiixa Aguero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here