Jose Mourinho oo shaaciyay inuu ku laaban doono London

Jose Mourinho ayaa albaabka u furay inuu ku laaban doono England laakiin waxa uu ku kaftamay inuusan bedeli doonin Sir Alex Ferguson sababtoo ah waxa ay ciyaaraha kawada fariisan doonaan waqti isku mid ah, marka tababaraha Man United uu 90 jir noqdo.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa sheegtay in adduunka oo dhan uu sugayo kulanka habeenka arbacada, waxaana uu sidoo kale sheegay inuu ku soo laaban doono mar kale Barclays Premier League.

Mourinho ayaa shirkiisii jaraa’id ku yiri: “Ka dib Madrid waxaan tababare ka noqon doonaa England. Wax walba oo England ku aadan waan jeclahay. Caadiyan taas waxa ay noqon doontaa talaabadeyda xigta. Waxaan doonayaa inaan ciyaaraha ka farsiito marka aan 70 jier ahay. Sababtoo ah aad ayaan ugu riyaaqayaa ciyaarta.

“Ma bedeli doona Ferguson sababtoo ah waxaan ciyaaraha ka fariisan doonaa isku waqtiga, marka uu isaga noqon doono 90 jir ah, anigana aan noqon doono 70 jir.”

Mourinho ayaa sidoo kale waxba ka soo qaadin in kooxdiisa ay mashaqo ku dhex jirto madaama ay 16 dhibcood horyaalka La Liga ay ka danbeeyaan, waxaana uu kalsooni ku qabaa inuu Champions League kale ku guuleysan doono mar kale inta uusan ciyaaraha ka fariisan.

Waxa uu yiri: “Miyaad ka walwalsan tihiin mashaqada i heysata? Kama walwalsani aniga. Waxaa idiin fudud inaad la hadashaan joornaaliistayaasha Isbaanish kuwaasoo sheekooyinkaas oqra. Iyaga aada oo la cunteeya.

“Waxaa jira kooxo waa weyn oo adduunka ka dhisan oo aan koobkan ku guuleysan. Tababarayaal waa weyn xitaa. Real Madrid waxa ay ku guuleysatay sagaal jeer. Waxaan anigana ku guuleystay labo jeer. Waxaan doonayaa keygii seddexaad, kooxdana waxa ay dooneysaa keedii 10aad.”

Tababaraha Real Madrid ayaana shirkiisa jaraa’id ee maanta ahaa mid iska nasasho ay ka muuqato ka hor kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League, markii la weydiiyay hadii ciyaartoydiisa ay ka danbeeyaan, waxa uu ku jawaabay:

“Horteyda ayay garoonka ku geli doonaan. Anigana waxaan fadhin doonaa kursiga keydka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here