Jose Mourinho oo heshiis cusub u saxiixay Real Madrid

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa heshiiska u cusbooneysiiyey kooxdiisa isaga oo qalinka ku duugay qandaraas afar sana ah oo ku hakinaya garoonka Bernabou ilaa iyo sanadka 2016.

Macalinkan u dhashay dalka Portugal oo ah 49 jir ayaa la wareegay xilka kooxda Real sanadki 2010, xilli ciyaareedkiisi ugu horeeyey wuxuu u qaaday koobka la yiraahdo Copa del Rey, halka xilli ciyaareedkan uu usoo xareeyey horyaalka Spain ee La Liga.

Mourinho wuxuu horay ugu soo guuleystay laba jeer horyaalka Ingiriiska Premier League oo uu lasoo qaaday Chelsea, sidoo kale horyaalka Talyaaniga ayuu lasoo qaaday Inter Milan iyo laba koob oo ah kan Champions League oo uu usoo kala qaaday kooxaha Porto iyo Inter.

Real waxay sanadkaan soo gaartay wareega sideeda ee koobka Coppa Dela Ray waxaa ay ku lumisay Barcelona oo laba is arag ku reebtay 4-3 isu geynta goolasha, halka semi-finalka koobka horyaalada Yurub ay reebtay Bayern Munich oo rigoorayaal kaga badisay.

Laakin waxay rikoor aanan horay loo arag ku qaadeen koobka horyaalka Spain oo ay ku qaadeen 100 dhibcood, iyo 121 gool oo ay dhaliyeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.