Johnnie Carson oo haatan kulan dag dag ah Muqdisho kula leh madaxda dowlada

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykana ee Africa Johnnie Carson ayaa booqasho aanan horay loo sii shaacin maanta ku yimid magaalada Muqdisho.

Mr. Carson ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu kulan albaabada u xiran kula leeyahay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Sida wararku sheegayaan mas,uulkan ka socdo Mareykanka ayaa lagu wadaa isla maanta inuu la kulmo madaxda sare ee dowlada KMG Soomaliya.

Lama oga waxa ay ka wada hadli doonaan, hase yeeshee waxaa laga yaabaa in ay xooga saaraan da dajinta barnaamijka lagu soo dhisayo baarlamanka cusub iyo ansixinta dastuurka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.