John Terry oo meesha ka saaray ka fariisashada xulka qaranka England

Ciyaaryahanka dhawaan laga xayuubiyey kabtannimada xulka Ingiriiska John Terry ayaa sheegay inuusan ka fariisan dooniin ciyaaraha xulka qaranka kadib marki la sheegay inuu sidaasi qorsheynayo.

Xiriirka kubada cakta Ingiriiska ayaa todobaadkan ku wargeliyey 31-jirkaan xaga danbe uga ciyaara kooxda Chelsea in laga qaaday xilka horjooganimada xulka.

Terry ayaa lagu wadaa inuu bisha July ee sanadkaan hor tago maxkamad si loogu qaado dacwad la xiriira isir naceyb uu ku sameeyey daafaca kooxda QPR ee dalka Ingiriiska Anton Ferdinand.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Terry ayaa u sheegay BBC inuusan ku fakireynin inuu ka fariisto ciyaaraha xulka qaranka mustaqbalka dhaw.

Tababaraha xulka England Fabio Capello ayaa shaaca ka qaaday inuu ka xunyahay ficilka ay ku dhaqaaqeen xiriirka ee ka dhanka ah Terry, xilli Ingiriiska uu isu diyaarinayo in ay ka qeybgalaan koobka Qaramada Yurub bisha June ee sanadkaan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.