John Terry oo laga xayuubiyey kabtannimada England

Xiriirka kubada cakta dalka Ingiriiska ee loo soo gaabiyo FA ayaa ka qaaday xilka kabtannimada xulka qaranka ciyaaryahan John Terry.

Daafacaan 31 jirka ah ayaa waxaa ku war geliyey in xilki horjooganimada xulka qaranka Ingiriiska laga qaaday gudoomiyaha FA-da  David Bernstein oo wacay xalay fiidkii.

Terry ayaa la filayaa in uu kaoo hormuuqdo maxkamad bisha July si loogu oogo dacwad la xiriirta isir kala sooc uu ku sameeyey laacibka kooxda QPR Anton Ferdinand.

Terry, oo hada ka hor sidaa lumiyey doorkiisii kabtanimo ayaa ku calaalcalay inuusan laheyn wax danbi ah.

Bayaan kasoo baxay xiriirka kubada cakta ayaa lagu yiri : “Terry ma noqon karo kabtanka England ilaa uu meel isaga tuurayo dacwadaha isaga ka dhanka ah,”.

Xiriirka waxay kaloo sheegeen in tababaraha xulka Ingriiska Capello uu xor u yahay inuu doorto ninki uu ku badali lahaa Terry ciyaarta saaxibtinimo oo ay Ingiriisku la ciyaari doonaan xulka Netherlands bishaan dhaxdeeda February iyo sidoo kale koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012.

Booska Terry waxaa hada u sharaxan daafaca kooxda Manchester United Rio Ferdinand.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.