Johan Djourou oo qaab amaah ugu biiray Hannover

Difaacii kooxda Arsenal Johan Djourou ayaa si rasmi ah ugu wareegay kooxda ka ciyaarta horiyaalka Germalka Bundesliga ee Hannover 96.

Ciyaaryahanka ayaa sii joogi doona kooxda illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiggan reer Switzerland ee 25-jirka ayaa labo kulan u ciyaara kooxda Arsenal koobka League Cup waxana kulamadaas ay la yeesheen kooxaha Coventry iyo Reading.

“Qof walba oo ku sugan Arsenal wuxuu u rajeeyay Johan in la qabsado waddanka Germany,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Arsenal oo loogu talagalay saxaafadda. 

Djourou ayaa ka soo muuqday 144 –jeer kooxda Arsenal tan iyo markii shaki la galiyay kulan ay ka soo horjeedeen kooxda Manchester City bishii October 2004.

Ciyaaryahanka kuma cusbo in qaab amaah ugu wareego kooxo kale, oo naadiga Birmingham ayuu aaday sannadkii 2007,waxana u ciyaara illaa 13-kulan.

Djourou ayaa xulka dalkiisa Switzerland waxa uu ciyaara illaa 30-kulan oo heer caalami ah, waxana ka mid ahaa ciyaarihii adduunka ee 2006 iyo koobkii Euro 2008.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here