Joh Kerry oo loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha arimaha dibadda Mareeykanka

Madaxweynaha dalka Mareeykanka Brack Obama, ayaa Senetarka laga soo doorto gobolka Masajuutis John Kerry, u magacaabay inuu qabto jagada Xoghayaha arimaha dibadda dalka Mareeykanka, John Kerry oo katirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa xilkaan kala wareegi doona Hillary Clinton, oo iyada go’aansatay ineey xilkaan ka dagto markii Obama markale dib loosoo doortay markale.

Kerry, ayaa hada waxa uu ahaa madaxa golaha Odoyaasha u qaabilsan Xiriirka arimaha dibadda, sidoo kale waxa uu mar isku soo sharaxay tartan madaxtinimada Mareeykanka sanadii 2004 markaasoo uu ku guuleeystay madaxweynihii Hore G.W Bush.

Doorashada Kerry, ayaa imaaneeysa kadib markii ay loolanka qabashada jagadan isaga hartay gabadha Mareeykanka u qaabislan ama wakiilka uga ah golaha amaanka Susan Rize, kadib markii ay dhaleeceeno adag kaga timid Xisbiga Jamhuuriga oo ku eedeeyay sida ay ula tacaamushay dhacdadii kadhacday safaarada uu mareeykanka ku lahaa magaalada Bangazi, ee dalka Liibiya halkaasoo lagu dilay safriikii mareeykanka ufadhiyay halkaas.

Kerry oo 69 jir ayaa jagadaan usharaxnaay tan iyo markii uu Obama ku guuleesytay gobolka laga soo doorto Senetarkaan ee Masajuutis.

Dadka taxliiliya Siyaasada Mareeykanka ayaa aaminsan in John Kerry uusan mucaaradad kala kulmi doonin Xisbiga jamhuuriga oo iyaga kuraasta ugu badan kuleh gollaha odoyaasha aqalka Cad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here