Joe Hart iyo Samir Nasri oo loo digay

Macalinka kooxda Manchester City Robert Mancini ayaa digniin culus u jeediyay xidiggaha kala ah Samir Nasri iyo Joa Hart.

Isagoo la hadlaayay wargeyska The Guardian  ayuu macalinka kooxda wuxuu sheegay labadan xiddig in kastoo ay wanaagsan yihiin haddana ay la soo baxeen falal aad u xun.

“Waxan u malenayaa in Samir uu yahay xiddiga fantastic ,inta badan ciyaarihiisa waa ay wanaagsan yihiin balse ciyaar kasta wuxuu soo bandhigaa wax is-badal ah, laakin waxaa looga

“Mararka qaar wuxuu iska dhigaa xiddig isku filan, laakin horrumar maalin kasta ma muuqdo. Waa ciyaar yahan aad u wanaagsan laakin uma ciyaaro heerka uu taagan yahay” ayuu sii daba raaciyay

Sidoo kale macalin Mancini wuxuu ka hadlay xiddiga reer England ee Hart waxaana uu yiri waxaa looga baahan yahay in uu dareenkiisa oo kale isugu geeyo kubadda cagta.

“Waxan u maleenayaa Joe in uusan lahayn jir dhismeed fiican, qof walba marka uu kubadda ku dhex jiro waa in uu soo bandhigo waxa ugu wanaagsan, aad ayaan u jeclahay Joe, haddii uu sidan ku socdo waxan u dhaadhicin doonaa kursiga keedka” ayuu yiri

“Wax badan ma sameen Samir, David Silva iyo Carlos Tevez xilli ciyaareedkan, laakin wax fiican wuu sameeyay  Joe, in kastoo dhibaatada heesata ay tahayt iyadoo marka uu agtago goolka uu qaladaad sameeyo waliba dhowr ciyaar ayaan luminay.” Ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here