Jilayaal reer Cuba ah oo sameeyey filim ka digaya dadka dalalka kale u goosta oo iska dhiibay Mareykanka

Laba jilaa oo u dhashay dalka Cuba oo isla dhigay filim ka ku saabsan dadka iska dhiibaya dalalka kale ee kasoo jeedo dalkooda hooyo ayaa qudhooda iska dhiibay dalka Mareykanka.

Javier Nunez Florian oo ah Atoore laga yaqaano Cuba iyo Anailin de la Rua oo ah gabadha la sameysay filimka ayaa lagu waayey mar qura garoonka diyaaradaha Miami airport inti lagu guda jiray waqtigi is diyaarinta Bandhig xaga filimada ah oo ka dhacayey magaalada New York.

Kadib in ka badan 24 saacadood oo la la,aa ayey kasoo dhex muuqdeen TV ku hadla afka Spanish-ka, waxana ay sheegeen in ay weydiisteen Mareykankanka maganganlyo siyaasadeed.

Jilayaal iyo dad badan oo ka shaqeeya xaga fanka iyo filimada dalka Cuba ayaa horay isaga dhiibay Mareykanka si xirfadooda ay ugu sii shaqeystaan meel ka baxsan dalkooda.

Labadan jilim jile oo da,doodu tahay 20-sano ayaa isla jilay filim lagu magacaabo Una Noche (One Night) oo micnahiisu yahay [Hal Habeen] kaasi oo ka tarjumaya sadex wiil oo dhalinyara ah oo Cuban ah kuwaasi oo ka baxsanaya nolosha faqriga ah ee dalkooda isla markaana nolol cusub ka bilaabaya magaalada Miami ee dalka Mareykanka.

Mareykanka waxay u aadeen kadib marki ay casuumaad ka heleen shirkada caalamiga ah ee bixiso abaalmarinada xaga filimada, waxaana sida ay sheegeen labadani jile ay go,aansadeen in ay iska dhiibaan Mareykanka.

Filimka ay sameeyeen waxa uu ku guuleystay sadex abaalmarin oo ay bixisay shirkada Tribeca film festival,  kaasi oo uu ku jiray abaal marinta xidiga ugu fiicnaa oo noqday Javier Nunez iyo gabadha atariishada ka aheyd.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.