Jigjiga: Xuska Qowmiyadaha Ethiopia oo lasoo gaba gabeeyay+Sawiro

Magaalada Jigjiga ee Xaruunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Xuskii 8aad ee Maalinka Qowmiyadaha dalkaas Ethiopia.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Madaxadii munaasabadda ka qaybgalay, waxaa kamid ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, guddoomiyaha baarlamaanka Kenya, Justin Muturi, afhayeenka barlamaanka Rwanda iyo wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Qowmiyadaha Itoobiya oo gaaraya 90-qowmiyadood oo ku kala hadla afaf kala duwan ayaa soo bandhigay hiddaha iyo dhaqankooda, iyadoo qowmiyad walba ay calankeeda wadato, waxaana la arki karayay kala duwanaanshaha u dhaxeeya sagaalka maamul deegaaneed ee halkaa ciyaaraha kala duwan kusoo bandhigay.

M/weynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, oo Khudbad ka jediyay furitaanka Xaflada, ayaa Hanbalyo u diray dhamaan Qowmiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia.

“Waan u mahad-celinaya dhammaan marti sharafta leh ee munaasabadda kasoo qayb-gashay, anigoo hambalyo gaar ah u diraya qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya oo xuskooda aan halkan u wada joogno maanta,” ayuu yiri madaxweynaha oo ku hadlayay afka axmaariga oo ah luuqadda koowaad ee dalka itoobiya looga hadlo.

Sidoo kale waxaa halkaas Khudbad ka jeediyay R/wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxaana uu hambalyo u diray qowmiyadaha Itoobiya ku nool, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Males Zanawi oo uu ku sheegay ruuxii ka dambeeyay in Itoobiya ay ku tallaabsato hormar caynkan oo kale ah.

Kooxda hiddaha iyo dhaqanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa goobta kusoo bandhigay dhiisha caanaha oo ahayd mid aad u weyn, isla markaana lahayd sagaal ilood oo loogu tala galay in caanaha laga wada cabbo, iyadoo ujeedka laga lahaa ay ahayd in dhammaan qowmiyadaha dalkan ay helaan fursado isku wada mid ah, gaar ahaan dhinaca qayb-sashada kheyraadka dalka.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here