Jibriil: ” “Umadda Soomaaliyeed wey daashay, hadii hantidooda la dhacay, codkooda yaan la dhicin”

JibriilMadaxa Hay’ada CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo shalay xaflad ku qabsaday Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxweyne.

Hoolka Hotelka oo aad u buux dhaafay ayaa barxada la dhigto baabuurta oo la suray teendhooyin ayay dadka u suura geliyay inay in hoolka galaan waxay shaashad weyn kala socdeen khudbada uu jeedinayay Musharraxa Dhalinyarada ah Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Dadkii kala duwanaa ee Munaasabada ka hadlay ayaa muujiyay howl karnimada Jibriil iyo waaya aragnimadiisa, iyagoo sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay uu dalka ku sugnaa, isla markaana xog ogaal u yahay xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray.

“Umadda Soomaaliyeed wey daashay, hadii hantidooda la dhacay, codkooda yaan la dhicin, is bedel ayaa soo socdo, kama harin bilo ee maalmo ayaa ka haray”.

jabriil-cabdulle

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo gaba gabadii khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa caddeeyay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ugu mahad celiyay dadka kumanaanka ah ee ka soo qeyb galay munaasabada, waxaana uu ka raalli geliyay duruufaha ka jira magaalada.

“Soomaaliya waxay galeysaa xaalad kala guur ah oo qiimeyn gaar ah leh, taariikh culus baa soo marnay, 1960 halkii ay joogtay ayay maanta oo ah 2016 Soomaaliya joogtaa, in ka badan 20-sano ayuu dalka dowlad la’aan ahaa iyo bur bur ku yimid qaranka, afarta sano ee soo socota waxay ka qiimo badan tahay 50-kii sano ee Soomaaliya soo maray, sababta waxay tahay xilligan lagu jiro haddii afarta sano ee soo socoto Khasaaro noqoto sida afartii sano ee la soo dhaafay, waxaa shaki ku jirin in dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in la galayo dib u dhac”ayuu yiri Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Mr Jibriil ayaa sheegay in afarta sano ee soo socota looga bixi karo caqli saliim ah, dareen dadnimo, isagoo xusay in xilligan lagu jiro ay shacabka Soomaaliyeed ay u jajaban yihiin dowladnimada, isla markaana uu ka muuqdo biseyl badan, maadaama horay dhibaato fara badan loo soo maray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here