Jibriil: Madaxda DF waxay haystaan 10 maalin hadii kale waa loo talin doonaa

Guddoomiyaha hay'adda CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle
Guddoomiyaha hay’adda CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle

Guddoomiyaha hey’adda Cilmi baarista CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in Soomaaliya loo talliyo maadama madaxda Soomaalida iyo kuwa maamul goballeedyada ay ku heshiin waayeen shirkii ka dhacay Kismaayo.

Wuxuu nasiib daro ku tilmaamay iyadoo madaxda Soomaalida ay kaligood shirayaan oo aaney ku dhex jirin ajnebi in ay go’aan gaari waayeen, wuxuuna intaas ku daray in taas ay muujinyo guul daro ah in Soomaaliya mar haddii ay tashan weysay loo talloyo sidda uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha hey’adda CRD ayaa sheegay in madaxda Soomaalida ay heestaan 10 cisho si ay go’aan uga gaaraan doorashadda 2016-ka, haddii kale wuxuu tilmaamay in shirka ka dhacaya Addis Ababa ee IGAD loogu soo bandhigi doono go’aan uu caalamka ka gaaray arrinta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale haddii 7-qof ee madaxda u ah Soomaalida aaney xal gaarin in ay shacabka Soomaaliyeed ay mudaaharaadyo ay dhigi doonaan maadama aysan ku qanacsaneen waxa ay wadaan.

“Soomaalida marka lagu dhex-jiro ayey heshiis gaari karaan” ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Waxaa kaloo guddoomiyaha hey’adda CRD sheegay in weli dalka uu jiro nidaamka kumeel gaarka maadama aaney xal gaari karin madaxda Dowladda sidda uu hadalka u dhigay.

Wuuxu sheegay oo kale in uu cabsi qabo in markale Soomaaliya ay dib ugu laabto qabiilka.

“Intii dad kale ay go’aan noo gaari lahaayeen waa in ay madaxdeena go’aan gaaraan”ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle madaxa hey’adda CRD.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga uu Jibriil Ibraahim Cabdulle siiyay VOA Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here