Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ku dhawaaqaya musharaxnimadiisa

Guddoomiyaha hay'adda CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle
Guddoomiyaha hay’adda CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle

Madaxa Hay’ada CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa warar hoose oo soo baxaya waxay sheegayaan, in maalmaha soo aadan uu ku dhawaaqi doono Musharaxnimadiisa xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa dhawaanahaanba la hadal haayay inuu yahay musharax, iyadoo kalhoraba taageerayaashiisa ay sii bilaabeen ololihiisa, islamarkaasina loo sameeyay xayeeysiino iyo Heeso lagu amaanayo.

Jibriil, ayaa waxeey isku beel yihiin Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana loo arkaa nin halis galin kara hamiga uu Madaxweyne Xasan ku doonayo in markale dib loogu soo doorto, sidoo kale Jibriil, waa nin miisaan culus ku leh arimaha Soomaaliya, gaar ahaan arimaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here