Jibriil Ibraahim Cabdulle oo dhulka la simay Madaxweyne Xasan & Dowladiisa

jabraMadaxa Hey’adda Cilmi Baarista iyo Wada-Tashiga ee CRD , Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ee hadda xilligeedu sii dhamaanayo ay gacanteeda soo gashay lacagtii ugu badneyd ee dowlada Soomaaliyeed ay hesho tan iyo xornimadii dalka.

Mar uu ka hadlayay arrimaha dhaqaalaha dalka ayuu sheegay in dalka Soomaaliya mudadii u dhexeysay 2014-2016 ay soo gashay gacanta dowlada lacag gaareysa afar bilyan iyo bar oo dollarka Maraykanka ah.

Mr Jibriil ayaa dowladda waxa uu ku eedeeyay inay sameysay dhaqaale curyaamin isagoo sheegay inay dowlada u abuurin shacabka shaqooyin ay noloshooda ku deberaan.

“Shan kun oo shaqaale ka ahaa dekeda Muqdisho iyo toddobo boqol oo baabuur ayaa shaqadii laga joojiyay taasna waxaa ku waayay nolol dad ka badan afartan kun oo ruux.”ayuu yiri Jibriil.

Mr Jibriil ayaa ku tilmaamay afartii sano ee la soo dhaafay in ummada Soomaaliyeed ay u ahayd dib u dhac weyn, iyadoo ummadana ay rajo weyn ka qabtay in laga gudbo dhibaatadii ay soo mareen labaatankii sano ee ka horeeyay sanadkii 2012kii.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo 15-kii sano ee la soo dhaafay si weyn ugaga dhex muuqday arrimaha xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta deegaanada ay colaadaha ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta dalka oo uusan magacaabin in ay ku jiraan shaqsiyaad dhaqaalihii dalka boobay.

“Shaqsiyaad aan ogahay markii ay xilka qabanayeen inaysan haysan dhaqaale ayaa hadda waxa ay ku xisaabtamayaan malaayiin dollar oo ah lacagtii ummadda ay lahayd.”ayuu yiri Jibriil oo ka hadlayay musuqmaasuq uu sheegay in uu ka jiro dalka gaar ahaan afartii sano ee la soo dhaafay.

Jibriil Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in xoriyada iyo calanka ummada Soomaaliyeed uu mugdi galay dalkana kalsooni darro ay ka jirto maamulka dalkana ay koox yar ku soo koobantay.

“Soomaaliya waxa ay joogtaa hadda meel ka liidata bishii September 2012kii waayo qaranimadii iyo xoriyadii ummadda Soomaaliyeed,talada dalkana waxaa bixiya dad ajnabi ah madaxdii qarankana iyagaa maalin walba khilaaf ka dhex bixi la’”ayuu yiri Jibriil Ibraahin Cabdulle.
Sidoo kale waxaa uu dhaliilay qaabka wax ku qeybsiga 4.5 waxana uu ku eedeeyay maamulka dalka ka jira inay si ulakac ah ay qaabkaas ay u sii dheereeyeen, hase yeeshee waxa uu rajo ka muujiyay in afarta sano ee soo socota ay lamid tahay mid loogaga gudbi karo 25kii sano ee la soo dhaafay hogaaan cusubna la doorto.

Isagoo ka hadlayay fikirkiisa ku aadan doorashada soo socota ayaa walwal waxa uu ka muujiyay in dadka haya hogaanka dalka ay u isticmaalaan dhaqaale ay dalka ka lunsadeen inay ku iibsadaan doorashada.

“Haddii kooxdii dalka ku tumatay afartii sano ee la soo dhaafay, ku takri fashay qaranimadii Soomaaliyeed burburiyay hantidii ummada lunsatay ayna yiraahdaan hantidaas ayaan ku gadanaynaa xildhibaanka waxaa taasi ka dhalan karta in qaranamida Soomaaliyeed ay burburto,”ayuu yiri Jibriil Ibraahin.

Jibriil oo ka hadlayay hogaamiyaha uu dalka Soomaaliya u baahan yahay ayaa ku tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay u baahan tahay hogaamiye ku sifeysan afar xaaladood.

“Hoggaanka dalka uu u baahan yahay waa inuu noqdo hogaamiye Caadil ah,aan doonayn dhaqaale uu urursado,ka fekera meel fog,dalka kala jajabayna isku tolo isla markaana xiriir wanaagsan la samaysan kara dalalka caalamka ”ayuu yiri Jibriil Ibraahin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here