Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.
Kadib marki ay isugu soo hareen isaga iyo Cabdiwali Sheekh Muudeey tartanka isla markaana loo gudbay wareeg sadexaad ayuu C/wali Muudeey ku dhawaaqay inuu u tanasulay saaxibkiis.
Jeylaani Nuur Iikar oo kasoo galay baarlamaanka Qabiilka reer Xamar-ka ayaa helay wareegi labaad codad dhan 92, halka C/wali Muudeey uu helay 58 cod.
Waxaa haatan bilaabatay doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad, mudanayaasha baarlamaanka ayaa aad u daalan iyaga oo shaqada saakay bilaabay 8:00 subaxnimo, iminkana ay tahay saacada Soomaaliya 9:30 daqiiqo.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com