Jen.Diini iyo Dhagabadan oo xilkii laga qaaday iyo Saraakiil Cusub oo lamagacaabay

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay islamarkaasna ka dhacday  wasaarada Gaashaandhiga, ayaa maanta waxaa xilkii looga qaaday saraakiishii ugu sar sareesay Ciidamada XDS, kuwaasoo kala ahaa Jen. C/qaadir Sh Cali Diini Taliyihii ciidamada Xooga iyo Jen.C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee ciimada xoogga dalka Soomaaliya ee cusub ayaa waxaa loo magacaabay  Jen. Daahir  Aadan Cilmi iyadoona abaaduulaha ciidanka xooga dalka loo magacaabay C/risaaq Khaliif Cilmi munaasabada xil wareejinta ayaa hada ka socota xarunta wasaarada gaashaandhiga dowlada Soomaaliya ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Gen.C/qaadir Sheekh cali Diini oo ugu horeyn goobta kahadlay Ayaa uga mahadceliyay saraakiisha xoogga dalka howsha adag ee ay dalka ka qabteen intii ay socdeen Dagaaladii dalka looga xoreynayay kooxda Al-Shabaab waxa uuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan Saraakiisha cusub ee xilka maanta la wareegay.

Taliyaha cusub ee ciidamada Mileteriga Soomaaliya Sareeye Guuto Daahir Aadan Cilmi  oo sina goobta Kahadlay ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga lasoo gaarsiiyay heer aad u wanaagsan oo mudan in laga Sii amba qaado marka la eego sida ay 20kii sano ee lasoo dhaafay u burbureen ciidamada xooga iyo sida Ay saraakiishan maanta xilka wareejiyay oo kaashanaya madaxda qaranka ay usoo nooleeyeen awooda Ciidamada qalabka sida ee uu Mileterigu kamidyahay .

Labadaan sarkal ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ku lahaayeen dagaalka lagula jiray Al-shabaab, sidoo kale waxay ahaayeen lafdhabarka Ciidamada XDS.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here