Jeesow: “Afweyne waa masuul ka tirsan DFS xariga loogu geystay Brussels-na waa xad gudub”

jeesowXilibaan Amiin Daahir Jeesoow, oo ah Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa cambaareeyey xarigii Maxamed Cabdi Afweyne oo hore uga tirsanaa horjoogayaasha burcad badeeda oo maalmo kahor lagu xiray magaalada Brussels ee wadanka Biljimka.

Jeesoow, waxana uu sheegay  in lagu xad gudbay xasaanadii Maxamed Cabdi Afweyne,wuxuuna shaaca ka qaaday inuu yahay masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qayb ka qaadanayey soo celinta amniga dalka iyo ku qancinta dhalinta Soomaaliyeed ka tanaasulidda burcadbadeednimada.

Waxa uu sheegay in Maxamed Cabdi Afweyne uu yahay sarkaal xil ka haya dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna sharci darro ku tilmaamay xariga loogu geystay magaalada Brussles,wuxuuna magac xumo ku sheegay in masuul dowladda ka tirsan xabsi loo taxaabo iyada oo aan lala socodsiin dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin xarigga magaalada Brussles loogu geystay Maxamed Cabdi Afweyne oo hore uga tirsanaa hogaamiyaasha burcad badeeda,Afweyne ayaa haysta baasaboor Diblamaasi ah oo dowladdu siisay kadib markii uu ka baxay burcad badeednimadii una soo jeestay kala shaqaynta dowladda siidi loo kala furfuri lahaa kooxaha burcad badeeda.

3 COMMENTS

  1. Anagu waxaan la qabanaa dhib kasta oo loo geysta reer Cadaado. inkastoo aan tageersan nahay in Burcad badeed la qabto. Hasa yeeshee arintaan waxaa ku cad cadaalad daro iyo qabiil ku ugaarsasho. Anagu waxaan aduunka u sheegeynaa in haddii burcad badeed wax laga qabanayo in si siman kuli loo qaqabto. oo laga bilaabo Eyl iyo Bosaaso.
    Waxaan u aragnaa arintaan afaar qabiil ey fuliyeen Saciid iyo nacaska gurguurto oo tolkii lugu hoos cuno.
    Waxaan aragnay afaar qabiilkii Siyad Barre oo soo noqday.
    waxaan aragnaa maanta Afweyn kaliya oo gooni loo bar tilmaansaday, ayadoo burcad badeedii Bari shaqadooda wataan.
    Waxaan aragnaa, Xasan Dahir Aweys oo la xiray, Axmed Madobe oo hal xisbi ka wada hogaamiye ahyeen la caleema saaray.
    Anagu nin qabiil kuma difaaceyno. burcad badeed ma difaaceeno lakiin waxaan dooneynaa cadaalad in lawada xiro ama la wada daayo.

  2. Jesoow, wuxuu ka markhaati kacayay runta Hawiye Qurunle u ka hayo Xamar. oo in dawladani tahay kuligeed Burco Badeed iyo mooryaan.
    Waxaan dunida iyo dawlad Federaalka ka codsaneynaa in lugu daro hoosha in la duqeya Cadaado oo ah xarunta Burcad Badeed.

  3. Jeesoow war ma aha qof dimbiila ah ha la dhaafo dawlad ayuu ka mid yahaye. cid casta oo dimbi gasha sharciga waa in lagu qaado xitaa haddii uu yahay madaxweynaha. iska daa afweeyne waa tuug Alle iyo Rasuul ka furtaye, mise adiguna dimbi ayaad gashay marka waxaad ka baqeysaa in lguu soo socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here