Jeesoow: Xildhibaano aan u dhalan Hiiraan & Sh/dhexe ayaa wada mooshinka

Shirka Jowhar
Shirka Jowhar

Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya,   ayaa nasiib darro ku tilmaamay mooshinka laga keenay shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.

Jeesoow waxa uu sheegay in aanay dastuurka waafaqsaneyn in howl socota in la joojiyo, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dalabka Xildhibaanada ee ah in Maamulkaas la dhiso marka ay dhamaato dowladda hada jirta,

“Hiiraan iyo Sh/Dhexe waa labada gobol ee ka harsan dowlad goboleedyada ee la rabo in federaalka lagu dhameystiro, waxaa layaab ah in Xildhibaanada ay dhahaan, hala dhiso marka ay dowladdan waqtigeeda dhamaato, dowladda cusub ee la soo dhisayo ay saddex bilood kadib howshaas dib u bilowdo, waana wax aan dastuurka waafaqsaneyn”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in 14 duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay 10 ka mid ah ku sugan yihiin magaalada Jowhar, isagoo xusay in 4-kale ay joogaan Beledweyn, isla markaana ay ka caga jiidayaan inay tagaan Jowhar, waxaana uu intaa ku daray in wada hadal lagula jiro.

“Waxaa nasiib darro ah in mooshinka waxa wada inay ku jiraan Xildhibaano aan u dhalan labada gobol ee ka soo jeeda deegaanada maamulada kale ee dhisan”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Illaa 42 Xildhibaan ayaa mooshin ka keenay shirka Jowhar in la hakiyo, waxaana mooshinkaas uu labo maalmood ka hor u baaqday kooram la’aan, markii la damcay in cod loo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here